Friday, 25 November 2022

King Fahd University scholarships | Deeq waxbarasho (scholarship)

Jaamacadda King Fahd University ee ku taala dalka Sacuudi Carabiya waxa ay bixineysaa deeq waxbarasho oo dhameystiran. deeqdan waxbarasho waxaa loo ogolyahay dhammaan ardayda caalamka wadan walba ay kaso jeedaan.
Codsashada (application) hadda waa ay furan tahay, waxaana ka dhiman 22 maalmood. deeqdan waxbarasho ayaa cashiradeeda bilaabandoono semesterka deyrta (fall semester) oo ku aadan bisha agoosto 2023.


 Codsiyada deeqda waxbarasho ee King Fahd University waa la soo gudbin karaa iyada oo aan loo baahneyn IELTS iyo TOEFL. Dhammaan nidaamka codsiga waa online. Deeqdu waxa aad ku codsan kartaa dhammaan kulliyadaha (faculty) iyo takhasusyada ay bixiso jaamacadda. Ma jiraan wax kharashaad ah oo ardayga laga qaadayo inta uu ku guuleysanayo deeqdan wax barasho, haddii uu guuleystana waxaa laga bixinayaa dhammaan kharashaadka ku baxaya inta ay waxbarashada u socoto.

Fadlan ogow in Ardayda Dumarku ay sidoo kale codsan karaan deeqda waxbarasho ee King Fahd 2023. Faahfaahin dhammaystiran ee ku saabsan deeqaha waxbarasho ee Jaamacadda King Fahd 2023 ayaad ka heli kartaa hoos.



Faahfaahinta ku saabsan Deeqaha-waxbarasho ee Jaamacadda King Fahd 2023.

  • Wadanka: Saudi Arabia
  • Jaamacadda: King Fahd University
  • Heerka waxbarashada: Masters, MS/Ph.D., PhD, Doctorate
  • kharashaadka: dhammaan waala daboolayaa
  • Waqtiga ay xirmeyso: 17th december 2023

kharashaadka laga bixinayo ardayda ku guuleysatay deeqdan waxbarasho

  • lacagta ticketka ee dalkiisa (somalia) ilaa sacuudi carabya
  • lacagta jaamacadda
  • lacagta hoyga uu ardaygu dagayo
  • cunnadiisa ay jaamacaddu dabooleyso
  • caafimaad bilaash ah
  • lacag yar oo jeebgalis ah (shopping and necessary things)
  • kharashaadka ku baxayo cilmibaarisyada uu ka qeyb qaadanayo

shuruudaha ardayga laga rabo

  1. haddii uu master xareysanayo, waa in uu keenaa shahaado bachelor ah GPA geeduna yahay 3.00 ama ka badan yahay.
  2. haddii uu PhD xareynayo, waa in uu keenaa shahaado bachelor ah iyo mid master ah GPA geeduna yahay 3.00 ama ka badan yahay.
  3. isla hadda lagaama rabo shahaado TOEFL /GRE/GMAT. balse markii aad ku guuleysato deeqda waxbarasho aya lagu weydin karaa.

dokumentiyada ardayga laga rabo

  1. warqadda dhalashada ama passport.
  2. warqadda natiijooyinkisa (transcript)
  3. sawir teesaro ah (Passport Size Photo)
  4. CV
  5. Statement-of-Purpose
  6. Three (3) Recommendation Letters

F.G.  waqtiga ay xirmeysa (deadline) deeqdan waxbarasho wa 17 December 2023 fadlan isku day in aad kahor codsato.


sideen u codsadaa (Application Process)

waxa aad si online ah u buuxineysa applicationka adiga oo galinaya xog walba oo lagu weydiiyo kadib waxaad ku shubeysaa documentyada kor kusoo sheegnay kadibna wad direysa oo waxaad taabaneysa submit. si aad u applygareso taabo linkiga hoose.

F.G. si fiican isaga aqri process inta aadan applygarenin, cilmi baaris dheeri ahna samey,insha allah guul ayan ku  rajeynaa. 
suaalaha commentiga noogu reeb.


King Fahd University scholarships | Deeq waxbarasho (scholarship)

Jaamacadda  K ing Fahd University ee ku taala dalka Sacuudi Carabiya waxa ay bixineysaa deeq waxbarasho oo dhameystiran. deeqdan waxbarasho ...